Waa deegaanadii goobaha ciidanka Dowladda ay la wareegeen ?

Baxdo ( Raxanreeb) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Jimcaha ay la wareegeen deegaanno  hor leh oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Ciidankan ayaa  gacanta ku dhigay degaannada Seego, Xinlabi, Baraag Ciise, Holdooyaale ee Gobolka  Mudug iyo Qalaanqal, Galxaagare oo Galgaduud ah sida ay sheegeen saraakiil ka  tirsan   ciidanka maamulka Galmudug.

Sarkaal ka tirsan maamulka  Galmudug ayaa sheegay in aysan  jirin iska hor imaad dhaxmaray ciidanka maamulka iyo kooxda Al- Shabaab oo ka dhacay deegaanadaas.

Deegaanada ay ku sugan yihiin ciidanka  maamulka Galmudug waxa in muddo ah ka talinayay  kooxda Al- Shabaab ,  isla markaana waxa ay ahayeen deegaano go’doonsan.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo deegaanada lagala wareegay kooxda Al- Shabaab ayaa sheegay in halkaas ay ka socdaan howlgal lagu sugayo amaanka dadka shacabka ah ee halkaas ku haray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.