Madaxii howlgalada Kooxda Daacish oo Puntland lagu dilay

Garowe (Raxanreeb ) Ciidanka ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay dileen Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Balidhidiin ee gobolka Bari.

“Iska hor-imaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo xilkaan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 xilligaas oo la dilay madaxii hore ee hawl-galada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boliiska.

Abu Albara Al Amani ayaa Booliska Puntland sheegay in uu ka soo jeeday gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, uuna Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish.

Dhanka kale weerarka ay Daacish ku qaaday saldhiga degmada Balidhidin waxaa ku dhintay hal askari ka tirsan Booliska Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.