Waa kuma Deni, madaxweynaha marka labaad loo doortay Puntland ?.

Waa kuma Deni, madaxweynaha marka labaad loo doortay Puntland ?.

Garoowe (Raxanreeb ) Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu magaciisu si wayn u soo shaac baxay markii uu isu soo sharraxay doorashada xilka madaxweynaha Madaxweynaha Soomaalia, sanadkii 2016-kii, inkastoo uu horay usoo qabtay xilal kale.

Dhowr sano kaddib waxa uu doorasho loollan adag lahayd ugu tartamay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, taasoo uu ku guulaystay sanadkii 2019-kii.

Hase yeeshee, waqtigaas ka hor ayuu ka dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jiray xildhibaannimo iyo wasiirnimo.

Tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka Puntland waxa uu safka hore uga jiray siyaasiyiinta kasoo hor jeeday hannaanka dowladda Dhexe, gaar ahaan siyaasadaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale madaxweynaha hadda ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Sooyaalkiisa kahor Siyaasadda

Sanadkii 1966-kii ayuu Siciid Deni ku dhashay magaalada Muqdisho, haddana da’diisu waa 57 sano. Waxbarashadiisa aasaasiga ah ee dugsiga hoose/dhexe iyo sare ba waxa uu ku qaatay isla magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu aqoontiisa heerka jaamacadda ku qaatay Jaamacadda Umadda, isagoo ku takhasusay Kulliyadda Luuqada. Intaas kaddib waxa uu takhasus kale kusoo qaatay Jaamacad ku taalla waddanka Malaysia.

Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, kahor inta uusan ku biirin siyaasadda.

Ka hor inta uusan u xuub siibanin dhinaca siyaasadda waxa uu qeyb ka ahaa dadka ka shaqeeya waxbarashada, isaga oo soo maamulay iskuullo dhowr ah oo ka jiray Soomaaliya xilligii burburka.

Waayaha siyaasadeed ee Siciid Deni
Qoraalka sawirka,Ka hor inta uusan siyaasi noqonin Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu ganacsiyo ka hirgeliyay deegaannada Puntland.

Waayaha siyaasadeed ee Siciid Deni

Ka hor inta uusan siyaasi noqonin Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu ganacsiyo ka hirgeliyay deegaannada Puntland.

Waxa uu sheegay in ujeeddadiisa siyaasadeed ay tahay sidii uu door muhiim ah uga qaadan lahaa dib-u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed, nabadeynta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo wadajirka Soomaalida.

“Aragtidayda siyaasadda waa Soomaaliya oo nabad ah, horumarsan, sharcigu sareeyo, ku dhaqmaysa nidaamka federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay, islamarkaasna leh dastuur dhamaystiran,” ayuu yidhi mar uu cabirayay ujeeddadiisa.

Intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2016-kii waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sanadkii 2014-kii waxa uu Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka noqday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamud.

Bishii September ee sanadkii 2014-kii, isagoo wasiirka Qorshaynta ah ayuu Deni soo saaray xog hordhac ah oo ku saabsan tirakoobka Soomaaliya. Waxay ahayd markii ugu horraysay ee tallaabadaas la qaado muddo dhowr iyo labaatan sano ah.

Saciid Cabdullaahi Deni
Qoraalka sawirka,Sanadkii 1966-kii ayuu Siciid Deni ku dhashay magaalada Muqdisho, haddana da’diisu waa 57 sano.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay markaas sheegtay in tirada shacabka Soomaalida ee waddana ku nool ah gaarayso 12,360,000.

Horaantii bishii January ee sanadkii 2019-kii ayuu doorasho tartan culus ku dheehnaa waxa ay baarlamaanka Puntland ugu xusheen inuu noqdo Madaxweynaha Maamulkaas.

21 murashax – oo uu ku jiray madaxweynihii Puntland ee uu waqtigiisu dhammaanayay markaas Cabdiweli Maxamed Cali Gaas – ayaa kula loollamay doorashada xildhibaannada oo si qarsoodi ah u codaynayay.

Doorashada oo saddex wareeg la isla gaaray ayuu kusoo baxay Deni oo sidaas ku noqday madaxweynaha xilka haynaya muddo shan sano ah.

Ma jirin haweeney u taagnayd xilka madaxweynaha Puntland, Golaha Baarlamaanka maamul goboleedka ee doorashada codaynayayna waxaa ku jirtay hal gabar oo keliya.

Murashaxiintii uu ka guulaystay, oo uu ka mid ahaa Cabdiweli Gaas oo ku haray wareegga koowaad ayaa ugu hambalyeeyay guushiisa.

Hase yeeshee muddadii 5-ta sano ahayd ee uu xilka hayay waxaa Puntland ka dhacay arrimo waa weyn oo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen khilaafkii Boosaaso iyo dagaalkii dhexmaray ciidamada kala raacsan dowladda iyo kuwa loo yaqaan Ciidamada Amniga Puntland ee PSF.

Kaddib markii uu Deni soo saaray wareegto uu ku baddalay Taliyaha PSF, waxaa amarkaas kasoo horjeestay hoggaanka hay’addaas oo agaasimaheeda uu ka biyo diiday inuu xilka ka dego.

Xigasho : BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.