Wajiga 2aad ee shirka dalalka Safka hore oo ka furmaya Muqdisho.

Wajiga 2aad ee shirka dalalka Safka hore oo ka furmaya Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya & Kenya ayaa maanta Muqdisho ku yeelanaya shir ku saabsan dagaalanka ka dhan ah Al-Shabaab iyo Masiirka ATMIS.

Wadooyinka Muhiimka ee Muqdisho ayaa loo xiray Madaxda Dalalka Safka Hore ee ka qayb galaya kulanka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in dadka shacabka ah looga baahan yahay in ay muujiyaan dulqaad inta ay xiran yihiin waddooyinka caasimadda oo marti galinaysa shir caalami ah.

“Shacabkeenna sharafta badanoow, Dawladdiinu waa ogtahay duruufaha aad ku nooshihiin kumana faraxsana culaysyada aad la kulmaysaan balse waxeey ku faraxsantahay in ay ka shaqaynayso sidii meesha looga saarilahaa kuwii abuuray duruufahaan ee Al.shabaab ” ayuu yir wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Alcadaala.

Shirkan waxaa wajiga labaad ka qayb galaya maanta Madaxwaynayaasha dalalka deriska la ah Soomaaliya .

Leave a Reply

Your email address will not be published.