Muqdisho (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa maanta oo Talaada ah ka soo baxaya sarkaal ka tirsanaa Hay’adda duulista hawada oo maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku ag dhaw Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda lama ogaan sababta dhabta ah keentay dilkan sarkaalkan oo asal ahaana ka soo jeeda Somaliland oo Dowladda Soomaaliya , maalmihii la soo dhaafay aysan isku wanaagsanayn.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan in lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa.
AUN Cabdinaasir waxaa uu ka mid ahaa masuuliyiinta hay’adda duulista Soomaaliya, waxayna xubnihii ka hadlay arrintan ay meesha ka saareen shakiga ah inuu isagu is-dilay.
War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaana lagu sheegay in ay soo gaartay geerida meydka ninkan laga dhax helay qolkii uu deganaa.
Booliiska ayaana sheegay in ay socdaan baaritaanka kiiska meydka ninkan la helay, waxa ayna shaaciyeen in lasoo qabtay lix eedeysane oo la tuhmayo ,kuwaa oo laamaha dambi baarista durba ku bilaabeen baaritaanno.
Leave a Reply