Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyada lagu weeraray xarunta Wasaaradda Waxbarashada

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyada lagu weeraray xarunta Wasaaradda Waxbarashada

Muqdisho ( Raxanreeb ) maanta oo Sabti waxaa xarunt wasaaradda Waxbaeashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qaaday weerar toos ah iyo mid ismiidaami ah.

Dabley hubeysan oo aan tiradooda la xaqiijin ayaa gudaha wasaaradda galay, waxaana dagaal halkaas ay kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo xarunta tagay weerarka kadib iyo ciidanka ilaalada ka ah.

Marka koowaad ayaa waxaa xarunta Wasaaradda lagu weeraray qarax kowaad , waxaan daqiiqado kaddib ayaa meel aan ka fogeyn xarunta wasaaradda waxaa ka dhacay qaraxii labaad kaas oo gaystay qasaaraha ugu badan.

Saraakiisha Dowladda ma aysan shaacin khasaaraha hase ahaatee waxaa muuqanaya khasaare baaxad leh oo ay gaysteen qaraxyadan gilgilay maanta magaalada Muqdisho.

Taliyihii Saldhiga booliiska degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo saraakiil kale oo katirsan booliiska ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxii labaad, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa saraakiil kale oo katirsan ciidamada.

Amin ambulance, ayaa sheegtay gaari kooda uu burburey, halka darawalna uu soo gaarey dhaawac.Isbitaalada magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la gaarsiiyey dad badan oo dhaawac ah, in kastoo aanan tiro rasmi ah laga haynin.

wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.