Weerar qaraxyo & mid toos ah oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada ee Muqdisho.

Weerar qaraxyo & mid toos ah oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada ee Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa dhowr daqiiqo kahor ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Zoobe.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo xooggan lagu qaaday Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Jugta laba qarax oo is xig-xigay ayaa mar qura laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan oo la maqlayo gudaha Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo rag hubeysan ay gudaha u galeen.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho,

Wiii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.