Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar hor dhac ah ayaa laga helayaa qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wasaaradda Waxbarashada ee Muqdisho.
Ilaa iyo 8 qof ayaa la helay sawiradooda kuwaas oo ku geeriyooday qaraxyada maanta oo sabti ah ka dhacay caasimadda.
Goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho waxaa buuxdhaafiyay dad badan oo baadi- goobaya eheladooda ku waxyeeloobay qaraxyada caasimadda gil-gilay.
Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhawaan ay soo bandhigi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay masiibada ka dhacday magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa sheegay inay kooxda Al-Shabaab qaraxyadaas la damacsaneyd inay la beegsato arday ku sugneyd gudaha wasaaradda waxbarashada oo ku taalla meel u dhow halka ay labada qarax ka dhaceyn.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen laba qarax oo ay u dhaxaysay daqiiqado kuwaas oo gaystay khasaare aad u badan oo wali ay socoto tiro koob.
Www.raxanreeb.com
Leave a Reply