WARBIXIN : Dagaalka NISA iyo Shabaab & saameynta ganacsiga Suuqa Bakaaraha

Muqdisho ( Raxanreeb )  Suuqa Bakaaraha oo ah suuq ganacsi oo halbowle ah ayaa muuqanaysa in markaan saameyn uu ku yeeshay dagaalka wajiga cusub galay ee Al- Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Hay’ adda NISA ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay qaaday talaabooyin ka duwan kuwii hore waxa ayna ka sameeyeen suuqa Bakaaraha howlgal saamayn ku yeeshay goobo badan oo ganacsi oo ku yaala suuqa Bakaaraha .

Waxa ay ka danbeeyeen howlgalada ka dib markii seddax ka mid ah ilaalada Shacabka ee NISA Al – Shabaab ay ku toogteen suuqa Bakaaraha , waxaaana taas barbarsocotay dilal kale oo loo gaysanayo ganacsatada qaar ee suuqa Bakaaraha.

Dilalkan loo gaystay Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa walwal ku abuuray ganacsatada suuqa Bakaaraha  waxaana jiray dhawr ganacsi oo albaabada loo laabay ka dib dilal ka dhacay suuqa Bakaaraha.

RBC oo la hadlay ganacsatada suuqa Bakaaraua ayaa sheegay inay  cabsi ka qabaan howlgalka ciidanka NISA  ee ka socda suuqa  oo cuuryaamiyey ganacsigooda labadii maalin lasoo dhaafay maadaama dhaq dhaqaaqa la hakiyey.

Ciidanka Dowladda ayaa si gaar ah u beegsaday  agagaarka Masjidka Abaa hureyra halkaas oo tiro dhawr ah oo dhallinyaraha la sheegay in laga qab qabtay  waxaana la ogeyn dadka ay qabteen in ay sii daayeen iyo inay kaxeysteen.

Dagaal leh waji cusub ayaa hadda muuqanaya in Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab uga bilowday gudaha suuqa Bakaaraha halkaas oo ah goob muhiim u ah ganacsiga Soomaaliya , waxaana si joogta ah uga dhacaya dilal qorshaysan oo lala eegtay ganacsato ama xubno kale .

Leave a Reply

Your email address will not be published.