Dowladda Federaalka ” Miisaaniyadda waxbarashada dalka waa la kordhinayaa”

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabad lagu maamusayey maalinta macallinka oo lagu qabtay Muqdishu ayaa sheegay inay dawladdu kordhsiay miisaaniyadda sannadkan soo socda si loo kordhiyo macalimiinta la tababarayo.

Madaxweynaha  Dowladda Federaalka ayaa tilmaamay in dowladda  ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan dowladiisa u qaadi doonto talaabooyinka lagu horumarinayo waxbarashada ardayda Soomaaliyeed si kor loogu qaado waxbarshada dalka oo dhibaato ka jirtay 20kii sanno ee la soo dhaafay.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale Macallimiinta Soomaaliyeed sheegay in ay ku  shaqeeyeen duruufaha adag ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed.

Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed waxaa lasoo billaabay sanadkii 1974-kii, xilligaas oo ahayd 2 sano ka dib markii la hirgeliyay qoraalka Af Soomaaliga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.