WAREEGTO : DENI oo Magacaabay Guddiga amniga Doorashada

WAREEGTO : DENI oo Magacaabay Guddiga amniga Doorashada

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Amniga Doorashada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiis 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:-

  1. Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)
  2. Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab (Xubin)
  3. S/guuto Muumin Cabdi Shire (Xubin)
  4. S/guuto Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)
  5. S/guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)
  6. S/guuto Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)
  7. S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse (Xubin)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published.