WARSAXAFADEED ‘’Puntland la’aanteed   lama bedeli karo Dastuurka’’

WARSAXAFADEED ‘’Puntland la’aanteed   lama bedeli karo Dastuurka’’

Garoowe (Raxanreeb )-Maamulka goboleedka Puntland ayaa gaashaanka u daruurtay markale qorshaha wax ka bedelka Dastuurka KMG ah oo murankiisa uu ka tagan yahay – magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeed ka soo baxay maamul goboleedka Puntland oo ka kooban laba bog ayaa si cad u sheegtay in aysan gebi ahaanba aqoonsan doonin, una hoggaansami doonin, kuna dhaqmi doonin wax ka bedelka kasta oo loogu sameeyo Dastuurka.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digtay Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii wado dedaalka kaligiis ah ee qorista Dastuurka cusub fursadna la siiyo wada hadallo lagu illaalinayo midnimada dalka iyo badbaadinta hannaanta Federaalka.

Sida uu dhigayo Dastuurka KMG-ka ah Qodobkiisa 1-aad, Soomaaliya waxa ay qaadatay Nidaam Federaal ah, Dimuqraadi ha kuna dhisan nidaamka Xisbiyada badan, mana jiro karo daraf kaligii bedeli kara.

‘’Waxaa wax lala yaabo ah in wax ka beddelka dastuurka ee sharci darrada ah loo adeegsado heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka  iyadoo Puntland anysan qayb ka ahayn’’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.