Kooxda  AS oo weerar ka fulisay  Shabeellaha Dhexe.

Kooxda  AS oo weerar ka fulisay  Shabeellaha Dhexe.

Jowhar (Raxanreeb )- Wararka aan  ka helayno gobolka  Shabeellaha  dhexe ayaa sheegaya in halkaas kooxda Al- Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnayeen ciidanka dowladda.

Aroortii hore  ee saaka  ayaa weerar culus oo ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab deegaanka Daaru-nimca ee katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegaya in weerarkaas uu ahaa gaadmo kooxda Al- Shabaab ay ku soo qaadeen deegaankaas oo  gacanta ugu jirta  hadda ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Kooxda Al Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Daaru-nimca ayaa guulo ka sheegatay weerarka ay halkaasi ka fuliyeen.

Weerarkan  ayaa imaanayaa xilli maalmo ka hor weerar nuucaan oo kale ah oo lagu dilay saraakiil  sar sare oo Dowladda ah uu ka dhacay  gobolka Sh/ Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.