Madaxweynaha Eritrea oo sheegay inuu doonayo dhex dhexaadinta dhinacyada ku dagaalamaya Sudan

Asmara (Raxanreeb) — Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa sheegay in urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD ay tahay in mudnaanta koowaad la siiyo, marka laga hadlayo sidii xal loogga gaari lahaa qalalaasaha ka taagan dalka Suudaan.

Waxa uu sheegay in iyadoo xaaladda Suudaan ay tahay arrin walaac leh heer gobol iyo heer caalamiba, oo laga yaabo in dalal gaar ah ay soo gudbiyaan daneyntooda, haddana hindisaha Igad, ayaa shacabka Suudaan ka caawin kara inay u gudbaan siyaasad cusub oo la jaanqaadi karta rabitaankooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda murugada leh ee ka taagan dalka Suudaan.

Waxa uu intaa ku daray in madaxweynaha dalka Eritrea uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato dadaal waliba, si ay wax loogga qabto dhibaatada ka jirta Suudaan.

Isaias ayaa sheegay in dhamaan qeybaha kala duwan ee Eritrea, sida badda, xudduudaha dhulka iyo sidoo kale hawadeeda ay u furan yihiin dadka Suudaan, iyo kuwa kale ee ay saameeyeen dagaallada haatan socda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku adkaystay in Eritrea aanay doonayn inay hoyga qaxootiga, balse ay diyaar u tahay inay gargaar wax ku ool ah ay siiso dadka reer Suudaan.

Waxa uu sheegay in khilaafka taagan uu yahay mid ka dhashay Hogaamiyaasha Ciidamada oo ku jira loolan dhanka awooda ah oo aan gudan waajibaadkooda ah in si nabad ah loogu gudbo dowlad la soo doortay.