Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo la kulmay Agaasimaha guud ee ciidanka heeganka Bariga Afrika

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo la kulmay Agaasimaha guud ee ciidanka heeganka Bariga Afrika

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga XFS ahna guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidamada Heeganka ee Bariga Afrika, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan isbarasho ah la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Ciidamada Heeganka ee Bariga Afrika (EASF), Mudane Paul Kahuria Njema, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Ugu horreyn, Agaasimaha Guud ayaa Wasiirka Gaashaandhigga la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha iyo xaaladda guud ee Ciidamada Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan xasilloonida guud ee gobolka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay shir heerkiisu sarreeyo oo ay Soomaaliya martigelin doonto maalmaha 15-ka ilaa 19-ka bishan Luulyo, kaas oo looga arrinsan doono istiraatiijiyadaha ugu habboon ee lagu horumarinayo iskaashiga milatari ee waddamada Bariga Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.