Baraawe (Raxanreeb )- Faahfaahin dheeraad aha ayaa ka soo baxaya weerar kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen fariisimo ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe.
Dad ku sugan magaalada Baraawe ayaa sheegay in ay maqlayeen xalay jugta culus ee ay is waydaarsanayeen ciidanka ATMIS ee la wareeray iyo kooxda Al- Shabaab.
Ciidamada ATMIS ayaa lasoo wariyay in iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana ugu dambeyn dib u laabtay kooxda Al-Shabaab ee beegsatay saldhiggaasi.
Kooxda oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay barahooda bulshada ku sheegtay inay weerartay saldhig ay leeyihiin ciidanka Uganda, ayna khasaare gaarsiisay, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.
Saraakiisha ATMIS oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa dagaalka kadib howlgallo ay ku baacsanayaan ragga soo weeraray ka sameeyay aagga Baraawe.
Dhawr jeer kooxda Al- Shabaab ayaa sidan oo kale waxay weeraro xoogan ay ku qaadeen fariisimaha ciidanka ATMIS iyo kuwa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Weerarkan ayaa dhacay iyadoo ciidanka ATMIS maalmahan ay wadeen dhaqdhaaq ay ku banaynayaan goobo muhiim ah oo ay kaga sugan yihiin meelo ka mid ah dalka.
Leave a Reply