Muqdisho (Raxanreeb) Digniino la xiriira in xaalad macluul ah isu bedesho abaaraha ka jira dalka , ayaa ka soo baxaya Hay’adaha Qaramada Midoobay kuwaas oo dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya.
Hay’adda cunada Aduunka ayaa sheegtay in wadamada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ay ka jiraan baahi badan oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday.
Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in illaa 22 milion oo qof oo ku kala nool dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya inay soo foodsaartay abaaro iyo gaajo darani.
”Abaaraha wadamada Geeska Afrika ka jira ayaa sababay in xoolo badan ayaa baa’ban dad badan ku qasbanadeen in ay ka cararaan degaanadii ay ku noolaayeeen ” sidaas waxaa sheegay sarkaal u hadlay Hay’adda WFP.
WFP ayaa sheegtay in si degdega loogu baahan yahay illaa $416 milyan si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, illaa dhammaadka sannadkan.
Madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, oo dhawaan ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Waqooyiga Kenya, ayaa sheegay inuu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya.
Intaas waxa uu warkiisa ku daray abaartan ay noqonaysa xaaladdii bini’aadanimo ee ugu darnayd ee uu arko muddo 21 sano ah oo uu ka shaqaynayey hay’adda WFP.
Leave a Reply