Xaaladda Beledweyne oo cakiran & SoDMA oo iska indha tiraysa.

Xaaladda Beledweyne oo cakiran & SoDMA oo iska indha tiraysa.

Beledwayne (Raxanreeb )- Xaalad bini’aadantinimo oo aad u liidata ayaa ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan, magaalada Beledweyne oo ay si weyn u saameeyeen daadad iyo fahaado roobka gu’ga ka dhashay, iyadoo ay dadka magaaladaasi wajahayaan nolol adag iyo xaalad go’doon ah.

Biyo jooggoodu qof taagan qarqin karo ayaa meel walba waran, xaafadaha iyo qeybaha kala duwan ee magaalada madaxda hiiraanna iskuma gudbi karaan oo dadka qaarba meel ayay ku xannibanyiin, mana jirto cid aan Illaahay ahayn oo aan gargaar ka filayaani.

Qaar kamida dadka magaalada oo ay u suurta-gashay inay warbaahinta la hadlaan ayaa sheegay inay guryihii biyo ugu soo galeen oo ay gabbal dhac iyo waaberi taag taaganyihiin, alaab iyo raashin wixii ay haysteena daadadku ka dulmareen.

Qoysaska qaar oo fursad u helay marin ay ka baxaan ayaa billaabay inay u barakacaan deegaanka ceel jaalle iyo meelo kale, kuwaas oo u baahan gargaar cunto, midda dawo, iyo qalabka kaneecada looga gaashaanto.

Xilliyadii hore markii ay xaalad bini’aadantinimo oo darani dalka soo wajahdo sida abaaro, Fatahaado, daadad, cuduro faafa,iyo colaado si baahsan loogu barakacay waxaa durbadiiba isxilqaami jiray dad samafalayaal ah oo damiirkoodu dhaqaajinayo, ayna hormuud u yihiin culumada, ganacsatada, aqoonyahannada iyo ururrada bulshada.

Olo-ole ballaaran iyo qaylo-dhaan gurmad ayay dal iyo dibadba ka billaabi jireen si dadka waxyeeladu gaartay loo samata bixiyo, wax qabadkooduna wuxuu ahaa mid muuqda oo la mahdiyo.

Dhibaatooyin badan ayay samafalayaashaasi gacanta ka gaysteen sida abaarihii 2011 iyo 2016, soo daabuliddii dadka soomaaliyeed ee coladaahu Ku qabsadeen dalka Yemen sanadihii 2014 iyo 2015, iyo musiibadii ka dhalatay qaraxii soobe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.