Meydad laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya ee  Muqdisho – Yaa bixiyay amarka.

Meydad laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya ee  Muqdisho – Yaa bixiyay amarka.

Muqdisho (Raxanreeb )- Labadii Sano ee Ugu Danbeeyay dhul boobka ayaa sare u kacay Muqdisho, maanta dhul boobka ayaa gaaray Qabuuraha iskool Buluusiya oo Meydadkii laga saarayo maanta.

Wararka ayaa sheegaya inuu soo baxay amar la sheegay in la siiyay ehellada ay dadkooda ku aasan yihiin qabuurahaasi oo bilaabay inay la baxaan maydadka.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dhulka ay ku yaallaan qabuuraha lagu wareejiyay Bulukeeti, taasoo kordhisay walaaca ay qabaan ehellada iyo dadka deegaanka.

Dadka la soo saaray waxaa ka mid ah majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo geeriyooday bishii Sebtembar 2021. Qoyskiisa ayaa meydkiisa u raray meel ammaan ah si looga hortago qalalaase mustaqbalka.

Ka qeyb galayaasha soo saarista xabaalaha ayaa sheegay in dowladdu aysan wax sabab ah u soo saarin amarka lagu banneynayo xabaalaha oo ay ku jiraan dad badan oo caan ah oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cumar Yariisow

Leave a Reply

Your email address will not be published.