Xabad joojintii Itoobiya oo burburtay & dagaal ka socda galbeedka Itoobiya .

Xabad joojintii Itoobiya oo burburtay & dagaal ka socda galbeedka Itoobiya .

Adis-Ababa (Raxanreeb) Kooxda Tigray ayaa sheegay in ay burburtay xabad joojintii ay la galeen Dowladda Itoobiya ee uu hoggaaminayo Abiy Ahmed ka dib warsaxafadeed ay soo sareeen.

Kooxdan oo ay eheliso maleeshiyadda Fano ayaa si wadajir ah u sheegay in ciidanka Itoobiya masuu ay ka yihiin in meesha ay ka baxdo xabad joojinta la kala saxiixday.


Kooxda TPLF waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dawladda ay weerarka ku ekeeyeen Magaalada Alamata iyo Nawaaxigeda, sidoo kalena uu daaalka ka socdo dhinaca Galbeed ee Gobalka Tigrey-ga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkan uu u muuqdo mid sii xoogaysanayo oo ku sii faafaya magaalooyinka kale ee Galbeedka Itoobiya , taas oo keentay walwal badan oo dadka rayidka ah ay qabaan.


”waxa ay u egtahay in dagaalkan uu yahay mid loo sii diyaargaroobay ” sidaas waxaa sheegay Sarkaal ka tirsan Tigray.


waxa soconaya ayaa la leeyahay waan waan lagu doonayo in xiisada lagu dejiyo in kastoo aan la ogayn sida loogu guulaysan karo xaaladaha hadda ka soo cusboonaday Itoobiya.


TPLF ayaa ku doodaysa in Ciidamada Dawladdu ka baxaan Gobolka Walkayit balse taasi ma Muuqato, iyada oo weli dowladda itoobiya ka hadlin Warkaan kasoo baxay Kooxda TPLF.


Ergyg Maraykanka u qaabilsan geeska Africa ayaa welwel ka muujiyay howlgallada milatari ee isa soo taraya ee dalka Ethiopia inay meesha ka saaraan dadaalka diblomaasiyadeed ee socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.