Boosaaso ( Raxanreeb ) Koox hubaysan ayaa magaalada Bosaaso ku toogtay xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Xildhibaan C/raxmaan Xaajii Maxamed ayaa lagu soo waramayaa in kooxaha hubaysan ay ku dhufteen rasaas culculus sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Boosaaso.
Ka hor geeridiisa ayaa la sheegay in isaga oo xaaladiisa ay culus tahay la dhigay isbitaalka magaalada Boosaas hase ahaatee markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Saraakiisha ciidanka booliiska ee magaalada Boosaaso ayaa wada baaritaano ku aadan dilka xildhibaanka, waxayna saraakiisha sheegeen in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii dilka ka dambeeyay.
Xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka ay ka bilaabeen howlgal ay ku baadi – goobayaan kooxaha lagu tuhmayo dilka magaalada loogu gaystay xildhibaanka ka tirsan golaha deegaanka Badhan.
Leave a Reply