XOG : Goormee la bedelayaa Taliyayaasha ciidanka DFS.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa maalmahan ku howlan sidii uu u qaadi lahaa talaabooyin uu ku doonayo inuu is bedel ugu sameeyo Taliyayaasha ciidanka Soomaaliyeed.

Maalin ka hor Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bedelay qaar ka mid ah Guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir isla markaana waxa uu magacaabay kuwo cusub , taas oo tusaalle u ah sida Dowladda u bedelayso inta badan xubnihii la soo shaqeeyay kooxdii Nabad iyo Nolol.

Hadda waxaa soconaya sidii loo bedeli lahaa Taliyayaasha ciidanka oo ay ku jiraan Taliyaha ciidanka xooga dalka Generaal Odwaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Xijaar.

Sidoo kale waxaa la filayaa in isna xilka laga qaado Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo ka mid ah adeegayaasha Farmaajo, waxaana xilkaas loo saadaalinayaa Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo hore xilkaas u soo qabtay.

Xogtan ayaa sii xoogaystay 24kii saac ee la soo dhaafay iyo wixii ka danbeeyay markii meesha laga saaray Guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

Dowladda Federaalka ee Hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marar badan loo jeediyay inuu bedelo Taliyayaasha ciidanka si loogu guulaysto howlgalada socda.

Dhawaan waxaa soo baxayay in sababa ay hakadeen ay tahay howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab khilaaf u dhaxeeya hoggaanka ciidanka , taas oo keentay in Madaxwaynaha lagula taliyo inuu la yimaado isbedel dhab ah oo dhanka Taliyayaasha ah.


Si kasta waxaa la dhawrayaa talaabooyinka xiga ee ay qaadi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira in ay bedesho Hoggaanka ciidanka Soomaaliya ee la shaqaynayay Dowladdii Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

W.Q 

Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.