Wadahadal dhaxmaray MW Xasan Sheekh & Ruto.

Wadahadal dhaxmaray MW Xasan Sheekh & Ruto.

Nairobi (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaas Wiliam Ruto.

Labada Madaxwayne ayaa isla eegay sida wararka ay sheegayaan xiriirka labada dal iyo la dagaalanka kooxda Al- Shabaab oo dagaal kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Madaxwaynayaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenyaa shirkooda ku soo hadal qaaday arrimo ku saabsan howlgalka ciidanka Kenya ay ka wado Soomaaliya gaar ahaan kan ATMIS oo Kenya ay qayb ka tahay.

Dhawr jeer madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqashooyin kala duwan ugu bixiyay dalka Kenya, halkaas oo marar badan tegay, isaga oo wada-hadallo lasoo yeeshay madaxda dalkaasi.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku yimid magaalada Nairobi ayaa imaanaya xilli dowladda Kenya horay ugu fashilantay dhax dhaxaadin ay ka dhax waday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkooda meel xun gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.