XOG : Shirka Baydhabo oo qarka u saaran inuu burburo & gacan ka hadal laga cabsi qabo.

Baydhabo ( Raxanreeb ) Xog RBC uu ka helayo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan shirar kala duwan oo beeluhu ay leeyihiin.

Shirkan ayaa la xaqiijinayaa in markii hore uu ku bilowday si caga jiid ah maadama xubnaha mucaaradka ay qabeen tabashooyin salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Tan iyo markii Madaxwaynaha Soomaaliya uu ka ka soo tagay magaalada Baydhabo waxaa la soo sheegayaa in beeluhu ay bilaabeen shirar gooni gooni ah oo ka madax banaan shirka dib u heshiisiinta.

Waxa kaloo magaalada Baydhabo ka jira shirar kale oo ay leeyihiin siyaasiinta  , taas oo la sheegay in ay wiiqi karto shirka gogashiisu ah ay taalo magaalada Baydhabo.

Xogaha RBC uu helayo ayaa sheegaya in shirar doceedyada qaarkood looga – hadlay arrimo ka badax banaan shirka dib u heshiisiinta , taas oo dhanka kale lagu tilmaamay doc kale oo shirka ku keeni karta inuu fashilmo.

Fashil ku yimaada Shirkan ayaa keeni karta in halkiisa uu ka sii socdo khilaafka iyo gacan ka hadalka ee muddo kordhinta Madaxwaynaha hadda haya talada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Shirkan dib u heshiisiinta ayaa waxaa magaalada , Baydhabo ka furay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , waxaana qaban qaabadiisa lahaa Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii xal looga gaari lahaa doorashada koonfur Galbeed oo muran badan uu ka dhashay , taas oo markii dambe keentay in gacan ka hadal uu ka dhaco magaalada Baydhabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.