XOG:  Xasan Sheekh oo quus u soo muujiyay mucaaradka KGS

XOG:  Xasan Sheekh oo quus u soo muujiyay mucaaradka KGS

Dhuusmareeb (Raxanreeb )  Magaalada Dhuusmareeb ee gobolka  Galgaduud waxaa kulan saacado socday ku dhaxmaray xubno ka socda maamulka koonfur Galbeed iyo Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya.

Ujeedka xubnahan oo horkacaya   jilbo culusta koonfur Galbeed ayaa ahayd ka hadlida doorka Villa Soomaaliya ee doorashooyinka koonfur – Galbeed hase ahaatee taas ma aysan dhicin.

Warar lagu  kalsoon karo ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuu , uu u sheegay dhinacyadii uu la kulmay in dib loogu dhigo ka hadlada arrimaha doorashooyinka KGS.

Taas bedelkeedaVilla Soomaaliya ayaa lagu soo qoray in labada dhinac ee Madaxwaynaha iyo xubnaha kale ay ka hadleen dardar galinta dagaalka ka dhan ah kooxda Al- Shabaab.

Waxyar uun ka dib warka Villa Soomaaliya waxaa magaalada Muqdisho shirjaraa’id ku qabtay xubnaha mucaaradka oo sheegay in mowqifkooda uu  yahay kii hore ee ah in doorashada KGS ay dhacdo ma aysan soo hadal qaadin in Xasan Sheekh arrintan ay kala – hadleen.

Waxaa muuqanaya in xubnaha mucaaradka koonfur Galbeed iyo Xasan Sheekh Maxamuud midba waxa isaga ay la  tahay uu warbaahinta la wadaagay oo kala ah laba mowqif.

Xubnaha ka  biyo diidan Madaxwaynaha KGS  ayaa magaalada Muqdisho ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan waxayna  Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taas oo ay ku shaaciyeen go’aano adag oo ka dhan ah, Laftagareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.