Goormee dalka ka dhamanayaan ciidanka ATMIS  ?

Goormee dalka ka dhamanayaan ciidanka ATMIS  ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Waxaa meel gaba – gaba ah maraya qorshaha ka bixitaanka  Soomaaliya ciidanka  ATMIS ee howlgalka midowga Afriak ee ka socda guud ahaan dalka.

Saraakiil ka kala socda Qaramada Midoobay iyo midowga Afrika ayaa ka wada hadlaya waqtiga  u harsan ciidanka ATMIS ee ah sii joogitaankooda guud ahaan Soomaaliya.

Madaxa ATMIS Souef Mohamed Elamine iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in wixii xiligan ka danbeeya  ciidanka Soomaaliya ay la wareegaan amniga.

Dhinacyada ATMIS iyo Qaramada Midoobay ayaa isla jeex jeexay fulinta Wajigii 3-aad ee ka bixitaanka  ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.

Ciidanka ATMIS ayaa saldhigyo muhiim ah  hore ugu wareejiyay ciidanka Soomaaliya si  ugu danbeyn [iyaga ] CXD ay ula wareegaan amniga guud ahaan dalka.

Koonfurta Mudug oo ah meelihii Alshabaab si adag loogula dagaalamay, oo ay boqolaal askari iyo saraakiil ciidan u geeriyoodeen difaaca dalka, ayay ciidamada isaga baxeen

Leave a Reply

Your email address will not be published.