Xubno ka mid ahaa Daacish oo Boosaaso lagu soo bandhigay

Xubno ka mid ahaa Daacish oo Boosaaso lagu soo bandhigay

Boosaaso (Raxanreeb ) Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish oo isku soo dhiibay Ciidamada amaanka. kuwaasoo gaaraya 12 xubnood

Xubnahan ayaa ka soo goostay kooxda Daacish ee ku sugan buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland Col. Cabdulqaadir Jaamac Dirir

Taliyaha ayaa xusay in lix ka mid ah raggan ay yihiin ajaanib, kuwaasoo afar ka mid ah ay ka soo jeedaan dalka Ethiopia, labada kalena ayu dhasheen Suudaan. Halka lixda kalena ay yihiin Soomaali.

Qoraal la soo dhigay barta facebook ee qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in muwaadiniin ka soo jeeda dalka Siiriya ay sidoo kale ku jiraan ragga isa soo dhiibay.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in dadka isa soo dhiibay ay dhammaantood yihiin dad looga faa’iidaystay daruufo nololeed oo shaqo raadis ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.