Xuska aas aaska ciidanka Somaliland oo laga diiday Sool , Sanaag & Cayn

Hargaysa (Raxanreeb ) Somaliland oo dagaal uu kaga furan- yahay gobolada Sool sanaag iyo cayn ayaa maanta oo ku beegsan aas aaska xuska ciidankeeda hakisay oo kama jiraan deeganadeed xuska maalintan oo sanadka kasta 02-02- la qaban jiray.

Somaliland ayaa ciidamo fara badan u diray deeganada sanadkan uu culayska kaga furan yahay ee Sool sanaag iyo Cayn taas oo soo dadejisay in la joojiyo xuskan.

Deegaanada Kacdoonka uu ka jira oo ay ka mid tahay magaalada Laascanood ayaa gabi ahaanba laga diiday oo halkaas kama sugna wax ciidamo ah oo ka socda dhanka Somaliland taas bedelkeeda waxaa ka soconaya shirarka loogu diidan yahay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Warar Raxanreeb uu ka helayo Somaliland ayaa sheegaya maanta oo Khamiis ah la hakiyay munaasabadan oo sanadka kasta Somaliland ay u dabaal degto aas aaska ciidankeeda

Ma jirto ayaa la leeyahay wax qaban qaaba ama diyaargarow ah oo Somaliland ay ugu jirto , dabaal degan maanta ka dib culayska ka soo foolay dadka ku nool gobolada Sool sanaag iyo cayn halkaas oo Somaliland gabi ahaanba laga diiday.

Saraakiil ka tirsan Somaliland ayaa maalamahan magaalada Hargaysa waxa uga soconayay shirar kala duwan oo ay uga hadlayeen suurtagalnimada in la qabto xuskan hase ahaatee ay u soo baxday markii dambe sida wararka la helayo ay sheegayaan in aysan suurtagal ahayn maanta.

Xubnaha kulanka ku yeeshay magaalada Hargaysa ayaa isku raacay xuska bedelkii in la qaado talaabooyin ay ku doonayaan in ku gaaraan magaalada Laascanood , halkaas oo dadka inta ay is abaabuleen ka bilaaba kacdoon ay ugu magac dareen Kacdoonka – Buulaga ah kuna diidan yihiin xukunka Muuse Biixi Cabdi.

Hubaal la’aanta ka taagan deegaanada Sool sanaag iyo Cayn ayaa la leeyahay Somaliland wax ay ku riixday in gabi ahaanba hakiso xuska oo sanad kasta maanta oo kale ka jiray deegaanada Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.