Ha Shareysan Cunqabateynta Hubka

Muqdisho (Raxanreeb ) Ma qabo in la shareysto, Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo mar kale cusbooneysiiyay Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Marka hore, Soomaaliya, dhul ahaan waa dal ka bed weyn labadii dal ee gumeysan jiray oo la isku daray.

Waxay soohdin la wadaagtaa Dalal, xataa haddii aanay ayagu raalli ka ahayn, haddana aan aad uga warqabin wax aka tallaabaya bar kasta oo soohdinta aan wadaagno ah. Ma aha wax gobolkan u gaar ah ee waa sida ay u badan yihiin Dowladaha adduunku.

Waxaa intaa wehliya in Soomaaliya ay leedahay Xeeb aad u dheer oo u furan caalamka. Geddiga kale ee badda waxaa noogu sokeyso Yemen oo uu ka socdo dagaal horseeday in aanuu jirin hal maamul oo mas’uul ka ah shixnadaha ka dhoofaya xeebaheeda oo dhan.

Dhankeenna Ciidanka Dowladdu ma wada joogo soohdimaheenna oo dhan. Awoodna uma laha in uu is hor taago Dowlad ama koox qowleysato ah oo si qarsoodi ah, sharci darrana ah hub ku soo gelineysa geyigeenna.

Taas ayaa u suurta gelisa, ma ahan Shabaab keliya ee xataa Dowlad Goboleedyo iyo kooxo kale in ay la soo degaan hub aan Dowladdu ka warqabin, ama aanay u lahayn awood ay isku hor taagto.

Inkasta oo aan sharciga caalamiga ahi lahayn ilko, haddana Dowlad kastaa hal mar ka badan ayay ka fekertaa oo ay is weydiisaa haddii ay jebiso sharci caalami ah waxa uga imaan kara. Waxay isu miisaantaa qiimaha uu u leeyahay ujeedka ay u jebineyso sharciga iyo cawaaqibta ay ka dhaxli karto.

Mar haddii aynaan xudduudaheenna ka warqabin, ugu yaraan in uu jiro Qaraar Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo mamnuucaya in hub la keeno dalkeennu, waa difaaca koowaad.

Marka xigta, Cunaqabateynta Hubka ee saaran dalka Soomaaliya ma aha mid Dowladda ka mamnuuceysa hub oo dhan.

Inkasta oo aan Soomaaliya loo oggoleyn hub noocii ay doonto, haddana waxaa jirta wadiiqo ciriiri ah laakiin sharci ah oo Golaha Ammaanku uu Dowladda Soomaaliya ugu fasaxo in ay la soo degto hubka iyo rasaasta lagu qanco in ay hadda baahidoodu taagan tahay.

In aan la shareysan cunaqabateynta hubka macnaheedu ma ahan in la qabatimo oo abid lala noolaado. Waa in aan sii xoojinnaa galaangalka Midowga Afrika, Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Ammaanka, dalalka kale ee hadda Xubnaha ka ah Golaha iyo kuwa ka noqon doona.

Weliba annaga uu gurigeenna habeynay, lana kaashaneyna Afrika, waa in aan ka howlgalnaa in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.