Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq u dirirka Degaanka ayaa weeraro qorsheysan ku qaaday Fariisimo Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabeellaha Dhexe CXD iyo kuwa xaq u dirirka ayaa weeraray ilaa Sadax Fariisimo Al-Shabaab Gobaad ka dhiganayeen, kuwaas oo ay kasoo abaabulaan weerarada qorsheysan. Howlgallada ayaa ka kala dhacay degaannaa kala ah Murcudka, Gacal ugaas...
Month: June 2024
Wasiir fiqi oo u duulay Turkiga, wada-hadallo lala galayo Itoobiya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga. War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inDowladda Soomaaliya ay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo...
Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb) Qarax laga maqlay meelo kala duwan ayaa gordhow ka dhacay degmada kaxda ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaan ayay wararku sheegayaan in uu ahaa miino kaasi lala eegtay Sarkaal iyo ciidamo uu watay oo ku sugnaa gudaha degmada kaxda gaar ahaan waaxda 1aad. Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa lala eegtay Sarkaal lagu...
DEG –DEG : Dagaal mar kale ka qarxay Mudug , maxaa soconaya HADDA ?
Gaalkacyo (Raxanreeb )- Dagaal u dhexeeya labo beelood ayaa maanta ka dhacay meel qiyaasti 5 Km u jirta degmada Degmada Towfiiq ee gobolka Mudug. Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub calculus oo cabsi galiyay dadka deegaanka Majirto Faah faahin dheeriya oo ku saabsan khasaraha dagaalkaas u dhaliyay mana jiro wax war...
Ciidanka ATMIS oo ka baxay deegaano cusub & cabsi amni oo muuqata.
Kismaayo ( Raxanreeb )- Ciidanka ATMIS ayaa gabi ahaanba baneeyay deegaaano hor leh oo ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose isla markaana ku wareejiyay ciidanka dowladda Soomaalia. Arintan ayaa qayb ka ah dadaalada ciidanka dowladda ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga marka ciidanka ATMIS ay baneeyee guud ahaan dalka oo hadda ay ka jirto...
Xasan Sheekh oo arrimo badan shaaca ka qaaday kulankii xalay ee Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya AUN Aadan Cadde ayaa sheegay arrimo badan.
PARIS : Doorashada Barlamaanka oo sadaal layaab leh laga bixinayo.
Paris (Raxanreeb )- Maanta oo Axd ah dalka Faransiiska waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho taariikhi ah , taas oo si wayn isha lagu wada hayo natiijada ka soo bixi doonto. Magaalooyinka waa wayn ee dalka Faransiiska waxaa si aad ah ugu socoto doorashooyinkan oo loo arko mid jaan- goyn doonto doorashooyinka kale...
FAALLO : Muxuu yahay ujeedka Qatar ka leedahay dhexdhexadinta DF & Al-Shabaab ?.
Muqdisho (Raxanreeb )-Maxay tahay Ujeedka Qatar ay kula xaajoonayso Dowlad Dimuqraadi ah iyo Muqaawamo Diimeed Xagjir ah? Qatar ayaa dhexdhexaadinaysa dowladda Soomaaliya ee dimuqraadiga ah ee curdanka ah iyo kooxda diineed ee xagjirka ah ee Al-Shabaab. Waxaa jira walaac laga qabo dhiirigelinta Qatar oo laga yaabo inay ka leedahay ajande qarsoon oo la xiriira Al-Shabaab,...
AFRICOM ‘’ Soomaaliay Al-Shabaab ayaa la wareegi doonto ‘’ – Khatar amni
Muqdisho (Raxanreeb )- Gen Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Africom ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay noqon karaan kuwo door adag ka cayaara si looga fogaado in Shabaabku dib ugu soo laabtaan gacan ku heynta degaanadii laga saaray, marka ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan dalka dhamaadka sanadkan. “Al-Shabaab waxa ay dooneysaa in...
Ciidanka ATMIS oo banneeyay Saldhig kuyaalla Jubbada Hoose & xaaladda Caawa
Maanta ayaa Ciidanka ATMIS waxay ku wareejisay Saldhigga degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo noqonaya Saldhiggii Afaraad ee lagu wareejiyey Wajigii Saddexaad ee ATMIS-ta laga saaray. Munaasabadda wareejinta waxaa ku sugnaa, ku xigeenka ATMIS SRCC, Sivuyile Bam, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda...