Masar ayaa shatiyadii kala laabatay 16 shirkadood oo la siiyay hawllaha xajka ee sanad kan, waxana loo gudbiyay kiiskooda xafiiska xeer ilaalinta qaranka, iyadoo lagu eedeynayo in ay masuul ka ahaayeen dhimashada xujeyda Masar ku soo gaartay magaalada Maka.
Day: June 23, 2024
Nin ka tirsan Al-Shabaab oo u dhashay dalka Yemen oo lagu qabtay Galgaduud
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer eegobolka Galgaduud bartamaha dalka, ayaa maanta gacanta ku dhigay nin Ajanabi ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Argagax : Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xaaskiisa oo lagu dilay galgaduud.
Dhuusmareeb( Raxanreeb ) –Koox hubeysan ayaa xalay dil ugu geystay deegaanka Bulacle oo Dhuusamareeb hoostaga, Macalin dugsi Qur,aan iyo xaaskiisa. Wararka ayaa tibaaxaya in Macalinka la dilay iyo xaaskiisa ayaa dhawaan aqal galay oo ay ahaayeen qoys cusub. Dilkaan ayaa lala xiriiriyay aano qabiil. horay deegaankaan waxaa uga dhacay dilal loo geystay dad bulshada muhiim...
Muqdisho oo caawa kala go’an + sababta.
Muqdisho (Raxanreeb )-Magaalada Muqdisho waxaa xalay saqdii dhexe illaa haatan ka da’ay roob lixaad leh oo isku socadka dadka iyo gaadiidka, iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada saameyn weyn ku yeeshay, xilli lagu jiro bilaha Xagaaga. Roobka oo ku dhawaad 6 saacadood xariir ah magaalada ka da’ay ayaa ah mid kamida roobabkii ugu xooganaa ee sanadahan...
WARCUSUB : Shilgaari oo khadaare gaystay oo ka dhacay Sheekh.
Muqdisho ( Raxanreeb )-Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Laba qof oo midkood uu ahaa cayaartow caan ah ayaa ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada sheekh. Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa cabshakuur Boqolle oo ka tirsanaa kooxda cayaaraha magaalada Hargeysa ee lagu magacaabo kooxda maaliyadda,iyo wiil kale oo...
42 Falastiinyiin ah oo lagu dilay Gaza
Ugu yaraan 42 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Israil Sabtidi shalay ku bartilmaameedsadeen degmooyin ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza.