Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qatar

Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qatar

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Qatar ee Soomaaliya, Cabdullah Salem Al Nuaimi.

Kulanka Xamsa iyo Safiirka, ayaa lagu sheegay in looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Xamsa.

Xamsa Barre, ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, dhanka amniga Ciidamada Qalabka Sida, ay tababarto horumarinta adeegyada aasaasiga ah, sida gargaarka.

Dhanka kale Danjiraha Qatar, Cabduallahi Salem Al Nuaimi, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dalkiisa uu taageero Soomaaliya, kaas oo ah, dhan walba.

Soomaaliya, iyo Qatar, ayaa xiriirkoodu, wanaagsan shantii sanno ee lasoo dhaafay dowladdii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.