Madaxweynaha soomaaliya furay shirka Golaha wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha soomaaliya furay shirka Golaha wadatashiga Qaran.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah dib u furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo arrimaha amniga, dhismaha dowladnimada iyo doorashooyinka.

Shirkaan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa dib u bilowday, kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, iyadoo madaxda Puntland iyo Jubbaland ay qaadaceen shirka NCC.

Shirka NCC ayaa markii hore soo bilowday 2-dii bishan October balse waxaa hakad galay kadib markii uu ka baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo ku sababeeyay in Puntland iyo Khaatumo laga saaray wada hadalada mid khatar ku ah kalsoonida doorashada.

Maqnaanshaha Madoobe ee maanta ayaa muujineysa xiisada taagan, halka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu weli sii wado qaadacaada ka qeyb galka NCC, isagoo caqabad kale ku ah dadaallada dowladda dhexe ee lagu mideynayo dowlad goboleedyada iyadoo la raacayo awaamiirta golaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qorqor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe, Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka qeyb galaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee hadda socda. kulanka.

Shirkan ayaa noqonaya kalfadhigii tobnaad ee GMDQ tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamuud 2022, taasoo muujineysa dadaallo joogto ah oo lagu horumarinayo dowladnimada iyo hannaanka doorashada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.