Muqdisho (Raxanreeb Online) Sida la shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh, ayaa amray in xubnaha isku haya Wasiiradda iyo Xildhibaanada ay kala doortaan xilalka oo midkood.
Tallabadan ayaa lagu sheegay in ay la micno ahaan ka dhigan tahay in aysan isku haysan doonin jagooyinka mudada u hartay dowladda Faderaalka, iyadoo laga duulayo wax ka bedelka Dastuurka oo aan heshiiska haysan.
Madaxweynaha ayaa shalay u sheegay wasiirkiisa 1-aad in ay waajib tahay dhaqangalinta heshiiska, ayna tahay in uu meelmar ka dhigo fulinta qodobkan, iyadoo xagaha dowladdu ay tahay in ay dhaqaalo darro xoogan haysato.
Sikastaba, arrintan ayaa imaaneysa xili muddo xilkeedka madaxweynaha uu gabaabsi yahay, isla markaana siyaasada dalka ay meel xasaasi ah mareyso, sidoo kalana kulamo culus ay mucaaradka ka wadaan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply