Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Anita Kiki Gbeho.

Ku xigeenka Qaramada Midoobay ayaa Guddoomiyaha ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.

Dhanka kale waxa ay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada. Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waday muddooyinkii ugu dambeeyey kulamo uu la yeelanayay qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka, isaga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyadda Ingiriiska Amb Michael Nithavrianakis.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjire Nithavrianakis oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Baarlamaannada Soomaaliyo iyo kan Boqortooyadda Ingiriiska, horumarinta shuruucda muhiimka u ah dalka, sida dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS.