Wasiir Xasan Shire”Deni Puntland waddo qaldan ayuu ku wadaa”

Garoowe ( Raxanreeb ) Wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxa keenay khilaafka kala dhaxeeya isaga iyo Madaxwaynaha Puntland oo keentay ugu danbeyn in xilka laga qaado.

Wasiir Xasan Shire Cabdi oo maanta oo Khamiis ah xilka Wasiirka maaliyadda ku wareejinayay Wasiirka cusub ee Maaliyadda , Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa soo bandhigay waxa keenay muranka uu kala dhaxeeyo Madaxwayne Saciid Deni.

Wasiirkii hore ee maalliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Deni ay isku fahmi waayeen 12 degmo oo dowladda ku adkeysatay in laga qabanayo doorasho qof iyo cod.

Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in sidoo kale isaga Madaxwayne Saciid Deni ay isku qabteen Ololihi doorashada uu uu xusay in dadka Puntland ay suluug ka qabeen.

Wasiirka ayaa xusay in uu diidanaa in Madaxwaynaha Puntland Saciid Deni ka qayb galo doorashadii ka dhacday dalka oo isagana ahaa musharrax.

”Deni wuxuu rabaa in uu saddex gobol oo keliya ka qabto doorasho oo Sool iyo Sanaag la tuuro, mana la qaadan karo”. ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

Waxaa uu ugu baaqay Barlamaanka Puntland in Puntlanad laga badbaadiyo oo ay ka leexiyaan wado khaldan oo uu ku wado sida uu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Leave a Reply

Your email address will not be published.