Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaano ku yaalla G/Mudug

Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaano ku yaalla G/Mudug

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya howlgallo ay sameeyeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo laga sameeyay Gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garabsanaya kuwa daraawiishta Galmudug ayaa deegaano ka saaray kooxda Al-Shabaab, koonfurta gobokaasi ee Mudug.

Al-Shabaab, ayaa saakay looga qabsaday deegaannada Dhagax-dheer, iyo Dahar Cali Xayloow, deegaano lagu magacaabo kuwaas oo ku yaalla Koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu socdo weli howlgalka ka dhanka ah, Al-Shabaab, islamarkaana lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Darraad, ayay ahayd Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ay howlgallo culus ay sameeyeen guulo kusoo hoyiyay kuwaas oo lagu qabsaday deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood.

Al-Shabaaab, ayaa laga qabsaday deegaannada kala ah, Gacal Ugaas iyo Murcudka oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya, ayaa wada wojiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah, Al-Shabaab, kaas oo aan u socon sidii kii hore wojiga koowaad, kaasi oo dardar ku socday.