Ammaanka caasimadda oo loo taag la’ yahay & ciidamo dheeraad ah oo Dowladda howlgalisay.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka ayaa wada dadaalo ay ku doonayso in ay wax kaga qabato ammaanka degmooyinka magaalada Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa si aad ah uga soconayay howlgal la sheegay in Dowladda ay ku xaqiijinayso ammniga caasimadda.

Howlgalada ayaa saameyn xoog badan waxa ay ku yeelatay , bulshada magaalada Muqdisho , xitaa mudanayaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Degmooyinka magaalada Muqdisho waxaa lagu kordhiyay ciidamo fara badan oo isugu jira dhar- cad iyo askarta Dowladda Soomaaliya.

Talaabadan ayaa ka danbeysay ka dib markii magaalada Muqdisho ay ku soo kordheen falal amni darro oo ay gaysanayaan kooxo hubaysan iyo cayaal – weerada oo loo taag la’ yahay wali.

Degmooyinka ugu badan ee howlgalada ay ka socdaan waxaa ka mid ah Wadajir , Dharkanlay , Kaaraan iyo duleedka Muqdisho  halkaas oo ay ka dhacayaan falal amni darro.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Taliska Hay’adda NISA uu shaqaaleysiiyay in ka badan laba laab dharcadkii ku daadsanaa magaalada, welina uu talisku wado qorista shaqaalaha cusub ee la hawlgelinayo , si looga hortago falalka ami darro ee ka dhacaya caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.