Mahad Salaad oo loogu yeeray Barlamaanka si wax loogu waydiiyo amaanka.

Muqdisho ( Raxanreeb )  Xilibaanada aqalka sare ee Baarlamanka ayaa  u yeeray Taliyaha Hay’ada nabad sugidda
Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

Gole- joojinta Taliyaha NISA ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay in su’aalo laga  weydiiniyonAmni darada magaalada muqdisho iyo xaalada guud ee amniga guud ahaan dalka.

Waxaa la xaqiijinayaa in  kulan albaabada u xirin yihin dhaxmaray Guddoonka Baarlamanka iyo taliyaha Hay’da nabad sugidda Soomaaliy Mahad Maxaamed Salaad waxana taliyaha la weydiiniyaa Su aalo ku saabsan xaalada amniga gaar ahaan caasimada dalka  ee Muqdisho.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Villa Rays oo kaabiga ku haya Madaxtooyada Qaranka waxaa jiray cadaadis ku kordhiyay Taliska Hay’ adda NISA ee hoggaanka u haya Mahad Maxamed Salaad.

Maalmo ka hor xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Taliska NISA u jeediyay eedayn la xiriirta wax ka qabasho la’ aanta amaanka magaalada Muqdisho oo fara ka sii baxaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.