Banaanbaxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo – Muxuse salka ku hayaa ?

Banaanbaxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo – Muxuse salka ku hayaa ?

Raxanreeb (Gaalkacyo )- Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug maanta oo Arbaca ah waxaa ka dhacay dibadbax balaaran oo ay samayeen wadayasha  Bajaajta ee magaalada.

Sida Raxanreeb ay u sheegeen dad ku sugan – magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug wadayaasha  Bajaajta ayaa xirtay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Waxa ay ku  muujiyeen wadayaasha Bajaajta banaanbaxooda sida ay  u diidan yihiin lacag  lagu kordhin canshuurta laga qaado  taas oo keentay in maanta ay isku  soo bax ay dhigaan.

Wadayaasha  Bajaajta ayaa  maamulka  degmada Gaalkacyo a ku eedeeyay  inay heshiis la gashay shirkad gaar loo leeyahay, si lacago ka baxsan canshuurta ay uga qaado .

Ciidanka  dowladda hoose ee magaalada  Gaalkacyo  ayaa rasaas u adeegsaday kala eryida darawalada gaadiidka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ma  jiro wax war ah oo maamulka magaalada Gaalkacyo uu ka soo saaray dibadbaxa ay dhigeen wadayaasha Bajaajta ee cabashada ka ah maamulka .

Leave a Reply

Your email address will not be published.