“Berri yaynaan xabaalaha dushooda ku heshiin” MD Xasan oo ka hadlay Laascanood

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la muhiim ay tahay in la joojiya dagaalka dadka badan ku dhimanaya ee ka taagan gobolada Sool , Sanaag iyo Laascanood.

Muuqaal laga soo duubay Madaxwaynaha Dowladda Fdederaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay joojinta dhiiga micna darrada loo daadinayo isla markaana wax kasta lagu dhameeyo wada hadal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo xabad joojin, kadibna labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xaaladda Laascaanood.

“Odayaasha dhaqanka ha qaataan kaalinta ay leeyihiin oo ah kaalin nabadeed, haddana ay qaateen, waana ku boggaadinayaa,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xassan ayaa carabka ku adkeeyey in aan marnaba la aqbali karin dhiig Soomaaliyeed oo daata.

”Dowladda Federaalka marna ma aqbalayso in Mushkiladaha dhexdeena yaal lagu xaliyo qori” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in waxgaradka, Siyaasiyiinta, ganacsatada, odayaasha dhaqanka iyo Culimadu gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa dagaalka isagoo dhanka kale faray in la dhigo hub

Leave a Reply

Your email address will not be published.