Farmaajo ”Ma ah in ay sii socdaan rabshadaha ka jira Laasacaanood ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa wali ka soconaya rabashadaha dadka deegaanka ay ku diidan yahay Somaliland waxaana 24-kii saac ee la soo dhaafay halkaas lagu dilay dad badan oo rayid ah.

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay rabashadaha wali ka sii socda magaalada Laasacnood ee gobolka Sool ee dhexmaraya ciidamada Somaliland iyo ciidamada degaanka ee SSC.

”Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ku naf-waayey xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, aniga oo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa. Waxaan si gaar ah murugada tacsida ula wadaagay Madax-dhaqameedka Deegaanka oo aan khadka talefoonka kula hadlay ” ayuu yir Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

waxaa uu intaas warkiisa raaciyay in la damiyo xiisadaha hubaysan ee dadka badan ay ku dhimanayaan ee ka jira magaalada Laasacnood.

”Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee awalba la daalaadhacayey colaadaha, maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dirirta ” ayuu raaciyay hadalkiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Magaalada Laasacnood ee gobolka Sool waxaa ka sii soconaya rabashadaha sababaya wali dhimashada iyo dhaawaca , mana jirto wax xal ah oo laga gaaray arrintan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.