Dhimashada dhul-gariirka Turkey iyo Syria oo dhaaftay 5,000

Ankara (Raxanreeb) — Kooxaha gurmadka ee Turkey iyo Syria, oo ku shaqeynaya cimilo aad u qabow, ayaa weli wada inay dadka ka raadiyaan burburka dhismayaasha, ayada oo khasaaraha dhimasho ee dhul-gariirkii shalay ku dhuftay uu dhaafay 5,000 oo qof.

Hay’adaha maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in kumanaan dhisme, oo ku yaalla magaalooyinka gobol aad u baaxad weyn, ay dhulka la sinmeen.

Burburka ugu weyn ayaa ka dhacay xarunta dhul-gariirka oo ah inta u dhaxeysa gobolka Kahramanmaras iyo Gaziantep, oo ah magaalo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.

Turkey ayaa tiradii ugu dambeysay ee dhimashada dalkaas ku sheegtay 3,419 — taasi khasaaraha dhimasho ee illaa hadda la xaqiijiyey ee Turkey iyo Syria ka dhigeysa 5,021.

Waxaa jirta cabsi ku aadan in khasaaraha uu intaas aad uga badan karo, ayada oo saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ay qiyaasayaan in laga yaabo in 20,000 oo qof ay dhinteen.

Kooxaha caafimaadka ayaa la xarbinaya inay daweeyaan qiyaastii 20,000 oo qof oo dhaawac ah.

Dhul-gariirkii koowaad oo aad u xoog badnaa ayaa laga dareemay illaa Greenland, waxaana xigay kuwo yar yar oo uu ku jiro mid cabirkiisu aha 7.5, kaasi oo ku dhuftay xilli ay kooxaha gurmadka ku jireen baadigoobka dadka ku waxyeeloobay dhul-gariirkii koowaad.

Saameynta ayaa aheyd mid aad u baaxad weyn oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid caalamka oo idil, ayada oo tobaneeyo dal, kasoo billow Ukraine illaa New Zealand ay wacad ku mareen inay caawimaad ka gaystaan.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ruushka ayaa dhammaantood diray tacsi oo yaboohay caawimaad.

Madaxweyne Joe Biden ayaa dhiggiisa Turkey Recep Tayyip Erdogan u ballan-qaaday in Mareykanka uu soo diri doono “wax kasta” oo gargaar ah oo loo baahan yahay si looga soo kabto dhul-gariirka burburka xooggan dhaliyey.

Warbaahinta Shiinaha ayaa weriysay Talaadadii in Beijing ay soo direysay koox gurmad, shaqaale caafimaad iyo agab kale.

Inta badan aagga uu dhul-gariirka kaga dhuftay waqooyiga Syria ayaa waxaa markii horeba burburiyey sanado dagaal ah iyo duqeymo ay gaysteen ciidamada Syria iyo Ruushka, kuwaas oo burburiyey guryo, isbitaallo iyo xarumo cafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka Syria ayaa sheegtay in burbur xooggan uu ka jiro gobollo ay ka mid yihiin Aleppo, Latakia, Hama iyo Tartus.
Turkey waa mid ka mid ah aagga caalamka ee inta badan ay ka dhacaan dhul-gariirada.

Dhul-gariirkii ugu dambeeyey ee cabirkiisu ahaa 7.8 ee dalka ku dhuftay 1939-kii ayaa 33,000 oo qof ku dilay gobolka bari ee Erzincan.

Sidoo kale gobolka Duzce ayaa 1999-kii waxaa ku dhuftay dhul-gariir cabirkiisu ahaa 7.4, kaasi oo dilay in ka badan 17,000 oo qof.

AFP