Cabdiraxmaan Cali iyo Yaasiin Maxamed oo  ‘’lagu toogtay ‘’ Baydhabo

Cabdiraxmaan Cali iyo Yaasiin Maxamed oo  ‘’lagu toogtay ‘’ Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb ) Maxkamada Ciidamada qalabka sida gaar ahaan qeybta 60aad ayaa saaka mar kale magaalada Baydhabo ka fulisay xukun dil qisaas ah.

Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo maxkamada horey dil ugu xukuntey ayaa saaka lagu toogtay Cara tuurka Baydhabo

Raggan ayaa horey u geystay dilal kala duwan, waxaana fagaaraha lagu toogtay soo buuxiyey shacab fara badan.

Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tegay oo ay ku jireen ehellada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale laba Askari oo horay dilal u geystay lagu fuliyay dil toogasho ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka kunool Magaalada Baydhabo.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale laba Askari oo horay dilal u geystay lagu fuliyay dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran rag xikunsanayaal ah, kuwaas oo ka kala tirsan Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.