Dowladda Federaalka miyay bixin la’dahay mushaarka ciidanka ?

Dowladda Federaalka miyay bixin la’dahay mushaarka ciidanka ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad mushaar la’aan sida ay sheegeen saraakiil ka  tirsan Dowladda Soomaaliya.

Seddaxdii  bile ee la soo dhaafay waxa la sheegay in ciidanka Dowladda aysan helin wax xuquuq ah , lamana oga sababta arintaas keentay.

Dhawaa  ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa gadood xaga mushaaraadka ah waxa ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho , kuwaas oo markii dambe , looga yeeray Maxkamada.

Dowladda Soomaaliya  oo sheegta in ay  ku howlan tahay dagaal ka dhan ah kooxda Al- Shabaab  ayaa bixin mushaaraadka ciidanka taas oo la sheegayo in ay sabab u tahay.

Dhaqaaqa  ayay ciidanka  Dowladda ay wadaan kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku helaan xuquuqdii ay lahayeen.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ma aysan faahfaahin sababaha keenay in ciidanka ay wayaan xuquuqdii ay lahayeen mudada sedaxda  bil ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo gadoodan sidoo kale saacadii la soo dhaafay ay ka soo baxeen deefaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe , lamana oga sababta.

Talaabadan ay qaadayaan ciidanka Dowladda ee salka  ku haya arrimaha mushaaraadka ayaa saamayn aan wanaagsanayn waxa ay ku yeelan doontaa howlgalada ciidanka ee ka socday meelo  ka mid ah dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.