Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal qorsheysan oo ciidanka ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose lagu dilay 136 ka mid ah Kooxda Al- Shabaab. Sidoo kale Dowladda ayaa sheegatay in howlgalkaas lagu dhaawacay in ka badan 98 kale oo ka tirsanaa kooxda Al- shabaab. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdiraxmaan...
Dowladda Tanzania oo beenisay in amni xumo ka jirto dalkeeda
Dowladda Tanzania ayaa beenisay in dalkeeda ay ka jiraan qalalaase amni iyo dhaqdhaqaayo aragagixiso, iyada oo muwaadiniinteeda iyo ajaanibtaba ugu u sheegtay in aaney jirin amni darro, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.
Fiqi oo si kulul ugu jawaabay Cali Dheere
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) oo shalay ka hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda.
Donald Trump oo dardar galiyey ololihiisa doorashada ee 2024-ka
Ku dhawaaqista Donald Trump, ee ah in uu u tartamayo madaxtinimada Maraykanka sanadka 2024-ka dhacay, ma ahayn mid la yaab leh, ama qorshe uu kaga fogaanayo in dacwad lagu soo oogo, sida ay dadka qaarkiis u malaynayeen.
Odayaal Reer Xaaji Saleebaan oo la macaamil Al- Shabaab oo la xukumay
Muqdisho ( Raxanreeb ) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Shan Sano oo Xabsi ciiidan ku xukuntay Odayaal heshiis kula galay Alshabaab degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Odayaashan ayaa maalmahan waxa ay Maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho , ka dib markii laga soo xiray deegaanada Galmudug. Odayaashan Maanta oo Axad ah la xukumay ayaa ka...
Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle.
Weerar lagu qaaday guriga masu’ul katirsan degmada Dharkeynley
Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saakay lagu qaaday hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho ah.
Galmudug oo war ka soo saartay wasiir ka tirsanaa oo lagu toogtay Muqisho.
Dhuusmareeb (Raxanreeb) Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiro dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Dowladda Galmudug oo caawa kooxda argagaxisada ah khawaarijtu ku dileen Magaalada Muqdishu. Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi...
Askar ka tirsan Dowladda oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Qarax Miino ayaa caawa ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Gaari Cabdibile ah oo ay wateen ciidanka Taraafikada Dowladda ayuu haleelay qaraxan waxaana ka dhashay qasaaare. Askari ka mid ah taraafikada ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay. Ciidanka Dowladda ee qaraxa lala eegtay ayaa muddo kooban xiray...
Warbaahinta Soomaalida oo laga joojiyay shaqadii ay ka hayeen Dowlad Deegaanka.
Jigjiga ( Raxanreeb ) Dawladda Itoobiya ayaa dalkeeda ka joojisay in ay ka hawl-galaan dhamaan Warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan deegaanka Soomaalida. Sababta ayaa lagu sheegay in aanay ogolaansho ka haysan Hay’adda Warbaahinta dalkaas. In ka badan 15 Warbaahin iyo wakiiladooda ayaa laga joojiyay in wax shaqa ah ay ka qabtaan gudaha dalka Itoobiya. ” waxaa...

