Cadale ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab. Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda in...
Dowladda Federaalka oo ka qeyb gashay shirka warshadaynta ee ka dhacaya Niger
Niger (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana...
Golaha Shacabka Beri ma mooshin- baa horyaala ?
Muqdisho ( Raxanreeb ) Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Beri oo sabti ah kulan ku- yeesho magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo qorhuhu ahaa in uu tago Baydhabo ayaa u baaqday sida RBC ogaaday kulanka Golaha shacabka. Kulanka Golaha shacabka ayaa lagu waramayaa in loogu doodi doodo qodobo xasaasi...
Qarax ka dhacay degmada Wadajir & faahfaahin ka soo baxaysa.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxana wararku sheegayaan in Saldhigga Booliska degmada Wadajir lagu tuuray Bam gacmeed. Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay qarxan ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Maamulka degmada Wadajir ee qaraxa uu ka dhacay ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo...
NISA oo sheegtay in ay beegsatay Al – Shabaab & cida kala qayb gashay howlgalkaas oo ay shaacisay.
Muqdisho ( Raxanreeb ) War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya maanta oo Jimca ah ayaa lagu sheegay in 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab ay dileen. Qoraalka ayaa lagu sheegay in saraakiishaas Al- Shabaab ay ku dileen howlgal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada...
Kooxda Al- Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Qaayib.
Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku bilowday – qaraxyo ku qaaday deegaanka Qaayib ee gobolka galgaduud ee bartamaha dalka. Weerarkan ayaa kooxdu waxa ay ku qaatay fariisimo ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin deegaankaas. Waxaa lagu soo waramayaa in ay jiraan khasaaro soo – gaaray labada dhinac , waxaana saraakiil ka tirsan...
Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Mumin“Kama bixi karo hoteelka aan deganahay”
Muqdisho (Raxanreeb ) “Kama bixi karo hoteelka aan deganahay oo la iima ogola in aan ku laabto gurigayga [Nairobi, Kenya], si aan ula soo kulmo dhakhtarkeyga iyo qoyskeyga, sababtoo ah waxay qaateen baasaboorkaygii oo waxay iiga dhejiyeen liiska dadka la mamnuucay. “Waxaan u baahanahay daryeel caafimaad, waxaanan u baahanahay inaan arko qoyskayga. Deeq bixiyayaasha reer...
Maxbuus hore oo maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha Malaysia
Hoggaamiyaha mucaaradka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa maanta boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed ah.
Maxkamadda ciidamada oo xukun ku ridday xubin sare oo Al-Shabaab
Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa loo soo xiray in u Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan
Golaha Wasiirada oo ka shiray howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab.
Muqdisho (Raxanreeb ) Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe. Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo...

