Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi u magacaabay arrinta Laascaanood

Muqdisho (Raxanreeb) — Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacay dibadbaxyo shacabka Magaaladaas ay ka sameeyeen dilal loo geystay qaar kamid ah Dadka haldoorka u ah, Ciidamada Somaliland oo isku dayay in ay kala eryaan dibadbaxayaasha ayay foodda is dareen waxaana halkaas ka billawday rabshado sababay dhimashada in ka badan 20 ruux oo shacab u badan & dhaawaca Tiro kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo gudbiyay guddi si gaar ah usoo diyaariya warbixin la xiriirta Xaaladda Magaalada Laascanood & rabshadihii sababay dhimashada, dhaawaca & burburka hanti.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Guddigaan ka sugaya in uu Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka uu dib ugu soo celiyo natiijada kasoo baxda xog-baaristooda iyo xaqiiqada waxa ka dhacay Laascaanood.

Saraakiil katirsan Shaqaalaha Caafimaadka ee gurmadka u sameeyay dadka ku dhaawacmay rasaasta ay fureen Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xaqiijiyay geerida ugu yaraan 20 ruux oo Shacab & Askar ah iyo dhaawaca in ka badan tiradaas.

Howlwadeennada Caafimaadka ayaa sheegay in Isbitaallada la dhigay Dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray oo qaar kamid ah ay u dhinteen dhiig-bax kaddib markii lagala daahay goobahaas si loo daweeyo.

Xisbiga Waddani ee Mucaaradka ku ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in mas’uuliyad darro ay tahay in Dadka Shacabka ah ee dibadbaxaya rasaas lagu beegsado halkii lagala hadli lahaa xalka waxa ay ka dibadbaxayaan.

Somaliland ayaa Isgaarsiinta & Internet-ka ka jartay Magaalada Laascaanood, tallaabadaas waxa ay sii cakirtay xaaladda Magaaladaas maadaama ay daahsoomeen xogaha laga heli jiray ee inta badan lasoo gelinayay Baraha Bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.