Catrain  “Mustaqbalka Soomaaliya mugdi ayuu ku jiraa haddii…‘’

Catrain  “Mustaqbalka Soomaaliya mugdi ayuu ku jiraa haddii…‘’

Garoowe (Raxanreeb )- Mar warbaahinta ay kula hadlaysay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Catrain Laing ayay sheegtay  in muhiim ay tahay  in wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo muranka wax ka bedelka Dastuurka.

Waxa ay sheegtay haweenaydan in ay muhiim ay u aragto in la qanciyo maamul goboleedka Puntland oo ay xustay in ay tahay xalka loogu gudbi karo marxlada hadda taagan.

“Mustaqbalka Soomaaliya ayaa miiska saaran. Dalka, oo wax badan qabsan karo ayaan horey u sii socon karin haddii aysan Puntland si buuxda oo loo dhan yahay uga qaybgelin” Catrain Laing.

Intaas waxa ay raacisay in dhinacyada is haya ay ka qayb qaataan sidii loo dhaqaajin lahaa wada xaajood kasta oo loogu gudbayo  khilaaf sababi kara in la kala tago.

“Madaxweyne Deni waad ku mahadsan tahay in aad diyaar u tahay sidii xal loogu heli lahaa ismari-waaga hadda taagan. Annagana, ka QM ahaan, anigoo adeegsanaya xafiiskeyga,waxaan halkan u joognaa in arrintan si un looga gudbo” ayay xustay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Catrain Laing.

Si kastaba hadalkan ayaa imaanaya iyadoo wali uu taagan yahay muranka ka dhashay wax ka bedelka Dastuurka KMG ah iyadoo laga digayo dhibaatada ka dhalan karta arintan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.