Cayaalweero dhibaato ka gaysanayay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Raxanreeb) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa – gacan ku soo dhigay koox ka mid ah cayaaro weero dhibaato ka gaysanayay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in koox ka mid ah cayaar weeradan  gacanta ay ku dhigeen dhaawacyo ay  u gaysteen qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa ciidanka Dowladda Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho isla markaana gacanta ay ku hayaan tiro badan oo cayaar weera ah .

War kasoo baxay booliiska ayaana lagu sheegay in ciyaalkan weerada hadda ku xiran yihiin saldhigga booliiska degmada Dayniile, waxa ayna booliiska wali wadaan raadinta ciyaal weero kale.

Howlgalkan booliiska kusoo qabteen ciyaalka weerarada ayaa imaanaya xilli Al Shabaab shalay ku hanjabeen in tallaano adag ka qaadi doonaan ciyaalka weerada ee ka howlgala qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Degmooyin badan oo magaalada Muqdisho wax aka socda howlgal ka dhanka ah cayaar weerad oo ay wadaan ciidanka Dowladda Soomaaliya ilaa iyo haddana laguma guulaysan wax ka qabashada dhibaatadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.